Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Wasaarada Gaashaandhigga

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan dib ugu laabtay madaxtooyada dalka kadib markii uu xoogeystey khilaaf u dhexeeyay xildhibaanada baarlamaanka Federalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay Dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaaran ah lagu qaado ururka Alshabaab. Hase yeeshee ma jirto illaa iyo hadda wax dagaal ah oo ay ciidamada dowladu ku qaadeen ururka Al-Shabaab ee maamula qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.