Xuska 12ka April oo Muqdisho ka socda (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku labisan dareyska ciidanka xoogga dalka ayaa ka qeyb galaya munaasabada  sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Munaasabada oo ka socota Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Wasiiro, xildhibaano, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha.

C9MhmWxXoAUIfcuC9MtDQUXcAA_Ddl

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo labadaba xiran dharka ciidanka ayaa lagu wadaa inay ka jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan munaasabada maalinta ciidanka xoogga dalka.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ku sugan ciidamo iyo gaadiidka dagaalka.

C9Mo8UeXgAAZftt

Telefishinka dowladda ee SNTV ayaa si toos ah u tabinaya Munaasabada oo xilligan ka socota Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

2222222222222

Munaasabada maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa noqoneysa tii u horeysay ee munaasabadaha ciidanka ee uu ka qeyb galo Madaxweyne Farmaajo.

C9MpIeAXgAALHH7 C9MrPxNXcAA7zMW