Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug gaar ahaan Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Xabsiga dhigeen Odayaal ku nool Degmadaasi.
Odayaasha Shabaab ay Xir xireen ayaa gaaraya 15 Oday oo ah kuwa Magaalada Xarardheere.
Macada sababta keentay Xariga Odayaasha hase yeeshee Qaar kamid ah Dadka Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in Sababta loo xiray Odayaasha ay tahay ka dib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Shabaab ee Xarardheere jooga.
Amarkaas ayaa ahaa in Odayaasha Degaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa degaanka,iyadoo Odayaasha la Xir xiray ay ka soo horjeesteen Amarka Xarakada Al-shabaab.
Xarardheere ayaa kamid Degamooyinka muhiimka ah ee Al-Shabaab ku Ka haystaan Dhulka loo tiriyo Galmudug sida la Sheegana waa Saldhiga ugu ee Kooxdu ku lee dahay Gobolada Dhexe.