Wiil Reer Boorama Ah Oo Ka Mid Ahaa Maxaabiistii Laga Soo Daayey Jeelasha Itoobiya Iyo Sababtii Uu U Xidhnaa…….

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

FB_IMG_1501060240988

Wiil Reer Boorama Ah Oo Ka Mid Ahaa Maxaabiistii Laga Soo Daayey Jeelasha Itoobiya Iyo Sababtii Uu U Xidhnaa…….

Maxamed Sacad Muuse oo ku caan ah Canbe wuxuu ku dhashay Borama 1998 kii isla Borama ku koray aabahii Sacad Muuse( Ina Caana geele) isna waa qof si aad ah Borama looga yaqaan hadana ku nool dalka Maraykanka.
Canbe maxaan ka aqaanay?

Maxamed amiin iyo walaalkii ka wayn Cawaale waxay ahaayeen labo arday oo quraanka si fiican u bartay mudo ayay barashada quranka boodhin Hargaysa ku yaal ugu jireen markii ay quraanka dhameeyeen ayaa Aabahood 2011 kii ila soo xidhiidhay si aan xisaabta iyo Ingiriiska u baro waan ka aqbalay.

Maxamed amiin waxaan wax u dhigi jiray khamiis iyo Jimce labo sano ka dib waxbarashadii maadiga waan ka dhisay waxuuna iskuulka markii la qiimeeyay ka galay Fasalka 6aad markaa da’diisu waxay ahayd 14jir.
Markii iskuulka uu galay anu wax dhigistii Canbe waan joojiyay oo shaqo ayaan ku mashquullay laakiin macalin ayaan u qabtay caawiya nasiib daro isaga oo 15 jir ah ayaa laga caqli badiyay tahriib ayaa rag ka wayn u kaxeeyeen laakiin markii uu Sudan gaadhay ayaa aabahii halkaa ka soo celiyay.

Canbe markii uu Borama ku soo noqday bilo ka dib markii tahriibkii laga soo celiyay waan u yeedhay waayo wuxuu ahaa ilmo caqli badan ana si gaar ah ayaan u jeclaa isaga iyo walalkii Cawaale waan wanin jiray iyagna way I maqli jireen.
Canbe markii hore quraanka oo kaliya ayuu waalidku kula dadaaleen markii uu quraankii ka dhameeyay ayaa waxbarashada maadigaa la galiyay aabahood Sacad waa aabo caruurtiisa la jeclaa aqoonta runtiina uu la socon jiray waxbarashadooda.
Sidee wiilkan loo xidhay?

Maalin ayaa Maxamed amiin (Canbe) bajaaj ku tagay Goroyacawl oo Borama koonfur ka xigta 5km kuna taal xadka Itoobiya nasiib daro Canbe wuxuu u talabay dhanka Itoobiya waxaana qabtay ciidankii Itoobiya khilaaf dhex maray oo gaadhay gacan ka hadal waxaa loo qaaday AwBare subaxii ku xigayna waxaa loo sii qaaday Jigjiga hooyadii ayaa ka daba tagtay waayo aabahii xiligaa Maraykan ayuu joogay maalmo ka dib waxaa lagu xukumay 20 sano oo xadhiga.

Ma jirin danbi lagu helay mana galin danbe oo 16 jir aan caqli uu isku maamulo lahay ayuu ahaa wax badan oo ciyaar uu u lahaa ayaa xadhig isku badalay. Hooyadii waxay noqotay qof marna jigjiga joogta oo isaga daba socota kolna Borama.

Dad badan ayaa isku dayay siidaynta Canbe laakiin nasiib daro waa lagu guuldaraystay waqtiyo kala duwan ayaa Canbe la soo taagay maxkamad ku taal Jigjiga waxna way ku wayday hadana waxaa lagu xukumay 20sano maalintii la ii sheegay si aad ah ayaan u naxay waayo ilmo aad garanayso dhaqankiisa iyo dabeecadiisa oo si dhibyar isagoo soo koraya xabsi dheer la galiyay.

Marar badan oon hooyada dhashay Canbe ka waraystay wiilkeeda xidhan waxay ii sheegtay in jeelka dhexdiisa meel maxaabiista ka gaar ah lagu hayay maadaama uu aad u yaraa sidoo kale maadaama uu quraanka yaqaanay intii uu jeelka ku jiray maxaabiista ayuu quraanka bari jiray ilaa markii danbe uu noqday qof laga jecel yahay goobtii uu ku xidhnaa.

Canbe sababta kaliya ee xadhigiisa loo adkeeyay ayaa ahayd isaga oo si fudud u sheegay inuu jecel yahay islaamka waana arinta kaliya ee dhibta gaadhay loo mariyay. Maalmo ka hor markii aan maqlay in maxaabiis Itoobiya laga soo daynayo waan farxay waayo maskaxdayda waxaan ka bixin xasuustii Canbe yare si degdeg ah ayaan ula xidhiidhay qoyskiisa waxayna ii sheegeen in aanu ku jirin dadkaa la siidaynayo balse habeenkan la siidayay ayaan markiiba ka dhex arkay sawirada maxaabiista dib ayaan u la xidhiidhay qoyska waxayna ii sheegeen in ayna ogayn ee hada uun loo sheegay ayna farxad darteed qoyskii oo dhan la ooyeen.

Canbe hooyadii hada Borama ayay joogtay markii la siidaynayay aabahiina Maraykan balse qaar ka mid ah ehelkiisa ayaa u tagay waana kuwa uu ku dul ooyayo maalmaha soo socda ayaa uu Borama soo gaadhi doonaa Insha Allah.

Afar sano ka dib oo dhibaato farabadan oo maskaxda ah soo gaadhay Canbe maanta waa xor waxayna qoyskiisa iyo isaguba aad ugu mahadcelinayaan Dawlada Soomaliya gaar ahaan Raysal Wasaare Khayre.

Anu waan farxay oon ooyay farxad darteed dad badana sidaa ayay u farxeen laakiin wali xabsiyada dalalka shisheeye waxaa ku jiray oo lagu ilaway maxaabiis Soomaliyeed kuwaan in loo soo daayo ayaan sugaynaa.
Mahadsanidiin Khayre iyo Farmaajo.

Qalinkii: Abdinasir Dahir Egeh

Borama/Awdal,