Wasiir Diini “S/Guud Samatar wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay Dhismaha Ciidanka”

Wararka Maanta

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka sida.

Wasiirku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa sarkaalka ugu darajada sareeyay ee ciidanka qalabka sida Soomaaliyeed, waxaa lagu soo noqday Taliyihii ciidamada xoogga dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa shanta Golaha sare ee kacaankii Milateriga, isagoo lagu tirayay ninka labaad ee ugu awooda badnaa dowladdii Milateriga aheyd.

Comments are closed.