Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Heshiis kula saxiixday dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.
Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho.
Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Magaalada Istanbul uga qeybgalaya shirka Wadamada islaamka oo looga hadlayo dhibaatadii Muslimiinta loogu geystay Masaajid ku yaala dalka New Zealand, Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ku baaqay qabashada shirkaan.