Sirdoonka Turkiga oo gacan ka geystay sii deyntii Silvia

Wararka Maanta

Sida lagu daabacay warbaahinta Talyaaniga oo xiganeysa ilo Amni Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga (MIT) ayaa gacan ka geysatay soo badbaadinta shaqaale samafal Talyaani ah oo la afduubay oo ku sugnaa Soomaaliya.

Silvia Constanza Romano, oo 25 jir, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama ee Kenya bishii November 2018.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa carabka ku adkeysay in Romano lagu badbaadiyay dadaal wada jir ah oo ay sameeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani.

Romano, oo la soo badbaadiyay hawlgal la sameeyay May 8-9, ayaa ka soo degay Madaarka Ciampino ee magaalada Rome saqdii dhexe ee xalay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Silvia lagu heystay keymo ku dhow degmada Afgooye oo 30 km u jirta Muqdisho.