Shirkii Madasha Maamul Goboleedyada ee kasocday Magaalada Kismaayo oo socday inta u dhaxaysay 8/10/2017/iyo10/10/2017 ayaa maanta lasoo gabangabeeyay.Shirka Waxaa marti Galiyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Modoobe) Waxaana ku wehliyay Madaxwaynayaasha kala ah Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Koofur-Galbeed Shariif Xassan Shiikh Adan iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. War-murtiyeedka Shirka oo aad loo sugayay ayaa maanta la soo saaray waxaa kasoo baxay 16 Qodob oo ay Madaxda Kismaayo ku Shirtay isla garteen.
Hugaamiyaasha Maamulada ayaa samaystay Golaha Iskaashiga Maamulada waxayna Gudoomiye u doorteen Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) halka Gudoomiye ku xigeena ay u doorteen Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi (Waare.) Xilkaan waxay Masuuliyiintaani hayn doonaan Halka sano ee Soos ocota. War-muriyeedka ayaa inta badan u muuqda mid dhaliilo loogu jeedinayo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya hugaamiyaasha Maamulada ayaa sheegay inay Dowladdu aysan ka talo galin Arimaha Masiiriga ah ee dalka ayagoo cuskaday Qodobo kamid ah Dastuurka Qaranka. Xukuumada dhexe ayay sidoo kale ku eedeeyen inay Caqabad ku tahay hanaanka Fadaraalaynta Dalka waxayna War-murtiyeedka ku xuseen arinta Galmudug oo ay sheegeen il loo baahan yahay in Khilaafka Madaxda Galmudug wada hadal logu dhameeyo.
Amniga iyo Hanaanka Doorashada 2020 ayay sheegeen Madaxda Maamuladu in Dowladdu ay ka gaabisay ayadoo ku mashquushay Khilaafaadka kala dhexeeya Maamulada dalka,Hugaamiyaasha Kismaayo ku shiray Waxay cabasho ka muujiyeen Kaalmada Caalamiga ah dalka soo gaarta waxay sheegeen 80% baahida wadanka ay ka jirto Gobolada ay Maamulaan islamarkaana 5% wax lamid ah ay ka helaan kaalmada Caalamiga ah taasina aysan u cuntamin. Hanaanka Dib u eegista Daastuurka ayay ka hadleen Madaxwaynaasha Maamuladu waxay dib u dhiciii Shirwaynihii Dastuurka ku ee deeyeen Dowlada dhexe. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in Golayaasha Dowlada dhexe ansixiyeen Xaerar badan oo an laga tala galin Maamulada waxay sheegeen in aysan qayb ka ahaan doonin Hanaanka Dib u eegista Dastuurka ka hor inta Xal laga gaarayo arimha kale ee hada muranku ka jiro,
Qodobada shirka ka soo baxay si cad carabka looguma dhufan Arinka Khilaaf keentay ee Xiisada Khaliijka balse Hugaamiyaasha ayaa sheegay inay Xaq u leeyihiin in laga tala galiyo Dhamaan Arinmaha Masiiriga ah Dalka sida Siyaasada Arimaha Dibadda. Dowladda Madaxwayne Farmaajo ayaa sheeda ka ee gaysay inta uu socday Shirka Kismaayo mana qaadin labo Tilaabo mid kood oo kala ah inuu baajiyo oo ka hortago ama uu ka qayb galo si uu go.aanada qaar saamayn ugu yeesho. War-murtiyeedka kasoo baxay ayaana laf dhuun gashay ku noqon kara Hiigsiga Farmaajo afarta sano ee uu kursiga hayn doono
Hoos ka eeg War-murtiyeedka oo dhamaystiran
Ceelhuur.com
W/D Ali Abdiwahab Aden