Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka oo dhawaan ka furmaya Muqdisho

Wararka Maanta

Caasimadda dalka Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa ku qulqulaya Madaxda maamul goboleedyadda, iyadoo qaar ka mid ah horey u joogeen, Madaxda maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shir u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa la filayaa in looga hadlo arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidan Qaran, doorashada 2020, dastuurka iyo amniga dalka. Waxaana ku soo aadayaa shirkaan dabaal dagga 8 Feberaayo ee ah maalintii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa baajiyey safar uu ku imaan lahaa gobolka, kadib markii uu daahay dhaqaale laga sugayey IGAD oo loogu talagalay howsha mideynta Galmudug iyo Ahlu sunna, Madaxweyne Ducaale ayaa la filayaa in uu dib ugu soo laabto Galmudug kadib markii uu soo idlaado shirka madasha Qaranka.