Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab saaka ay ku qaadeen Hotel Dayax magaalada Muqdisho, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac Fara badan.
Wasiiro iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Weerarka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay laba gaari ay goobta ku qarxeen, tirada Dhimashada ay ka badan tahay 15 qof, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo 30 ka badan.
Waxaa aad u bur buray dhismooyin ku yaalay Afaafka hore ee Hotelka Dayax, maadaama Hotelka laamiga uu ka xigo Hal boos.
Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalamayaan.
Dadka dhaawacmay waxaa ku jira suxufiyiin shaqo u tagay goobta qaraxa, inta badan dhaawaca ayaa la gaarsiiyey isbitaal Madiina magaalada Muqdisho.