Sawirro: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis isfaham

Wararka Maanta

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kala saxiixday Isfahan heshiis iskaashi (MOU) kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka Teknoloojiyada, iyadoo munaasabadii heshiiska ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Dhanka Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire Khadija Mohamed Al-Makhzoumi halka dhanka pakistan uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkasi Shahid Khaqan.

Heshiiska ayaa la xiriira sidii dowladda Pakistan ay Soomaaliya uga caawin lahayd ilaalinta xuduudaha oo ay Pakistan ku tahay dalalka ugu horeeya, siinta aqoonsioo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliya oo la xiriira la socodkooda, maadaama Soomaaliya lagu wado in u ka dhaco doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Heshiiska nuxurkiisa waxa uu ahaa in Dowladda Pakistan ay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ID-kaarada muwaadiniinta iyo hubinta macluumaadka muwaadiniinta, waxaana Dowladd Soomaaliya ka caawinayaa xalinta iyo la socodka dadka muwaadiniinta ah” ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo ah saxafi madax banaan kuna sugan dalka Pakistan.