Sawirro: Hanti dhowraha Guud oo xilka laga qaaday

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Qaranka ayaa xilka ka qaaday hantidhowraha guud Qaranka Dr. Nuur Faarax, Golaha wasiirada oo Caawa shir deg deg ah yeeshay ayaa arintaan go’aamiyey,  Tallaabooyinka xilka looga qaaday Hanti Dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

FB_IMG_1493926623752 FB_IMG_1493926630234 FB_IMG_1493926636813 FB_IMG_1493926641368