in kabadan 400 Askari oo boolis ah ayaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga tababarka booliska Cadaado, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Taliyaha Booliska Galmudug G/sare C/casiis Yuusuf Aadan Dhagabadan, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Guuleed ayaa salaan sharaf ka qaatay in kabadan 400 Askari oo maanta tababarka dhameysatay, saraakiisha qaar ayaa la gudoonsiiyey bilado, waxaana ciidamadan oo ay wehliyaan kooxda bambeyda dhoola tus ku sameeyeen wadooyinka Magaalada Cadaado.
Dadweynaha ayaa tubnaa wadooyinka magaalada iyagoo u riyaaqay gaada ka ciyaarka ciidamada, waxaana ka muuqatay hanaan dowladnimo, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Xaamud ayay ammaan u jeediyeen Madaxda iyo shacabka Galmudug.
Ciidamadan ayaa muddo saddex bilood ah tababar ku jiray, waxaana ka kala yimaadeen degmooyinka Galmudug, Waxaana ciidanka mushaarkooda bixinaya Booliska Soomaaliyeed.
Comments are closed.