Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo Caawa u Khudbeeyey Shacabka Baxdo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo caawa soo gaaray degmada Baxdo oo qiyaastii 90 km u jirta degmada Cadaado ee  gobolka Galgaduud, ayaa shacabka Magaalada u khudbeeyey masjidka weyn. Saraakiishaan oo watay laba gaari oo nuuca raaxada ah ( Toyota Qooqan iyo Toyota Layla Calawi) ayaa salaada cisha xiligii la galayey soo gaaray halkaasi, iyagoo markii bulshadu salaadda ka baxday khudbo kooban u jeediyey.

Saraakiisha Masaajika  ka khudbeeyey ayaa kala ahaa Cali Katiin iyo Ciise Dheere oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ee degta halkaasi, Waxa ayna bulshada kala hadleen in aysan waxa dhib ah u wadin, ayna kaga digeen la shaqeynta Galmudug. sidoo kale waxa ay ka codsadeen in la taageero Alshabaab.

Saraakiishan ayaa daqiiqado kadib ka baxay magaalada, iyagoo u jiheystay dhanka Koofureed, sidoo kale waxa ay galabta soo mareen tuulooyin u dhow Baxdo. Waa markii ugu horeysay ee saraakiil ka tirsan Alshabaab goob fagaaro ah kala hadlaan Bulshada Baxdo tan iyo aasaaskii Galmudug bartamihii 2015, xaaladda degmada Baxdo ayaa hadda ah mid deggan. waxaana dadku hadal hayaan imaanshiyaha saraakiishan oo deegaanka kasoo jeeda.

wixii ku soo kordha kala soco ceelhuur.com