Qeyrrow bal qajil!….. W/Qorey: Bashiir M. Xersi

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Qeyrrow bal qajil!

Maalmahan waxaa xawli ku socda dhaqanxumo siyaasadeed, oo ay hormuud ka yihiin hoggaanka cusub ee uu dalku yeeshay doorashadii 8 feberaayo.

Beenta, ballanxumada, huuhaada iyo aragtuxumada, ee ay kuwii ka horreeyey la wadaagaan waxaa u dheer; ismuujin, istustus, ha lagaa sheego, igu sawir, isgadid iwm, oo ay uga faa’iidaysanayaan dadkan qiiraysan.

Waxaan daawaday dhawr muuqaal, oo laga sii daayey muuqsidaha Qaranka, oo uu ka muuqdo ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre, oo kormeer, booqasho ama indha indhayn goobo uu tagay dhagaysanaya warbixnno laga siinayo hababka ay xafiisyadaa ku shaqeeyaan iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Qaabka loo soo gudbiyey waa qadaf, anigu qasadka laga leeyahay aan ka ahayn BAHDIL ma aqaane. Aqriste, adigu ku qanacsanow haddaad rabto, balse, waan hubaa, in Kheyrre uusan oggolaadeen, in isaga oo xafiis dawlo jooga, intaa oo cabaad iyo calaal ah ha lagaa duubo, haddaba, muxuu dadka ugu samaynayaa? Dhaqanxumo!

Qofka muuqsidaha ka dhex cabaadaya, ee sheegaya dhibka maamul, maarayn iyo hagid ee ka jira, awood u ma lahan, in uu wax ka qabto, waana tan uuba u oggolaaday duubista, ee adigu Qayrre, maxaad ka qaban kartaa, aan ka ahayn muuqsidaha ka sii daynta? Talo maxaad u haysaa, oo lagu toosin karaa qalloocaa noo wada muuqda, qaybo ka mid ahna, in aad soo aragtay ama dhagaysatay ka sokow, aadba suubatay, dadkana wada tustay? Na tustaye, maxay na tartay, adiguse maxaad ka tartay?.

Kheyrre cirka ka ma soo degin, dhulkana ka ma soo bixin, ee wuxuu ogyahay, anaguna aan oganahay, yuusan nooga dhigin wax uu hadda la kulmay, oo ah wax la la yaabo. War la qabaa, xiiso ma leh, maxaa yeelay, waxyaabaha uu hadda dhagaysigooda ku raaxaysanayo, muuqoodana in la baahiyo dareenkiisu oggolaaday, waxay qayb ka yihiin wixii lagu eedeeyey, intii uu ahaa agaasimaha shirkadda Soma Oil and Gas. Horta, kaalin intee la eg ayey ku leedahay shirkaddani magacaabistiisa iyo shirkii Londonba?.

Kheyrre, dadka aad warbixinta ka dhagaysanee, ee aad muuqaalladooda duubatay, haddana aad ka sii daysay muuqsidaha Qaranka, waxaad ogaataa, dhammaantood sidaada oo kale ayey awood qaybsi beeleed iyo xeer jajab xilalka ku joogaan, ee intan ma ogtahay? Ogide, is moogaysii.

Haye, dawladnimada aad dadka ku dawikhisay aan ku la aado. Adigu shaqaale dawladeed ayaad tahay, qofka ka kale ee aad waxrbixinta ka dhagaysaneena waa shaqaale dawladeed, haddaba, yaa xaq kuu siiyey, in aad warbixinnada lagu siinayo, aad bannaanka keento, adoo is ka dhigaya nin wax qabtay? Adigu ma jeclaan leheed sidaas oo kale, in laguu duubo ka dib dadku ku daawadaan?.

Qofku fal dambiyeed ku ma jiro, mana gelin gef maamul ama siyaasadeed, ee talo dhagaysi garannaye, waa maxay duubistan dadka la la dhexwareegayo? Ani ahaan dullaysi, dulmin iyo waxaan u arkaa dareenxumo ku haysa, walow dadku ayba raalli kaaga yihiin, in aad dadnimadooda wax u dhinto, heerka lagu sugan yahow awgeed.

Muuqaal, muuqside laga sii daayo waxqabad ma noqdo, ee adoon wax aan ogahay noo soo bandhigin, Kheyrre la imow aragtidii wax looga qaban lahaa waaqica jira, ee muuqside aad ka dhexmuuqato xal u noqonayn, haddii kale, fadlan, qarracanka jira, ha noogu darin dhaqanxumo siyaasadeed iyo dullaysi dad!

 

Soomaali qoqoban
Qoys walboy tahay
Waa qarracankaas
Qadyaan baan nahay
Qarax wadayaal
Waxaa ka qarriban
Qalbi weeynaha
Xilka qaadaye
Qabbo qabbo iyo
Inuu sawir qura
Ku qanciyaraba
Nolol qaabdaran
Naf ka qaylee
Shacab qarannimo
Qaabiddiisii
Quudarreynaya!

 

Musuqa aad rabto, in aad la dagaasho, waa midka iyadoo shirkaddiinna Soma Oil and Gas ay dhisan tahay waqti yar, ay dawladda federalka ah heshiis la saxiixatay. Weerta iyo webta maxaa kulmiyey? Musuqa aad rabto, in aad la dagaasho, waa midka xafiiska baarista dambiyada halista ah, ee dalka Ingiriisku ay shaaciyeen, in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka Soma Oil and Gas, oo is la Ingiriiska laga leeyahay!

Marka waxa aad rabto la dagaal, ee fadlan, dadnimada, dareenka, duxda iyo danqashada dadka dagaalka ka daa, maxaa yeelay, dadka adigu ma lihid, ee ha dullaysan! Aadanaha Eebbe ayaa karaameeyey, ee adigu ha i ihaaneeyan, haddaad arxan leedahay!

 

Insaanka qaddari
Quruxi Aadane
Qaa’innimo iyo
Qish ka dheeroow
Haddaad qayr iyo
Qasad leedahay!

 

  1. G: meerisyada heeseed, ee qoraalka aan ku soo qaatay, waxay ka mid yihiin heestii: “MA QAJILE!”.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/