Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya kursigii xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa walaac ka muujiyay habka loo soo xulay ergada doorashada.
Xubnaha u tartamaya oo tiradoodu gaareyso 3 Musharax ayaa walaac ka muujiyay ergo aan la isla afgaran oo loo xareeyay mid ka mid ah xubnaha tartamaya, waxaana si gaar ah xubnaha ay walaac uga muuiyeen guddiga doorashada oo iyagu u xaglinaya xubin ka mid ah tartamayaasha.
Sidoo kale, odayaasha iyo ugaasyada jufada Hubeer ee Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in aan wax talo ah laga gelin soo xulista ergada doorashada, waxayna ku eedeeyeen guddiga doorashada ee ay maxda u tahay Xaliimo yareey in ergo aan la isla garan oo aysan soo gudbin odayaasha beesha ay xareeyeen.
Dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in doorashada kursigan ay farogelin ku hayaan xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in shaqsi ka mid ah xubnaha tartamaya ay si musuq maasuq ah ugu soo saaraan, waxayna odayaashu ka walaacsan yihiin lacago la sheegay in laga soo diray madaxtooyada qaab laaluush ah loo siiyo ergooyinka.
Warar kale oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa xajiininaya in wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska,Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi, ay xubno ka tirsan madaxtooyada u soo bandhigeen inuu isaga haro tartanka kursigan ayna u ballan qaadeen kharash, taasoo uu ku gacan seyray.
Sidoo kale xubnahan ka tirsan madaxtooyada ayaa ka dalbaday guddiga doorashada in laga reebo tartanka Wasiirka howlaha guud Saadiq Cabdullaahi Cabdi, iyada oo la doonayo in shir jaraa’id ay qabato guddoomiye Xaliimo Yareey kuna sheegto in kursigan ay u tartami doonaan 2 musharax oo kaliya Wasiir Eng Saadiq Cabdullaahi Cabdi, oo ah musharaxa saddexaadna uu waqtiga is diiwaangelinta ka dhacay, maadaama laga cabsi qabo inuu ku soo boxo tartanka.
Maamulka Jubbaland ayaa wada xiriiro kala duwan oo ay la sameynayaan guddiga doorashada iyaga oo ka dalbaday in ergooyinka doorashada la saxo isla markaana aan doorashada la qaban inta la isla ogolaanayo lana saxayo khaladaadka jira.
Arrintan ayaa shaki weyn gelineysa dhex dhexaadnimada guddiga doorashada ee ay maxda u tahay Xaliimo Yareey, taasoo laga sugayo in dalka ay gaarsiiyaan doorasho loo dhan yahay oo ku saleyaan hal qof iyo hal cod.