Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Chelsea Michael Essien ayaa qirtay inuu ka cabsi qabo Eden Hazard inuu ka tago Blues islamarkaana uu ku biiro Real Madrid.
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay muddo dheer xiiseyneyso Hazard, kaasoo dhaliyay 8 gool, waxaana uu sidoo kale 7 gool caawiyey 19 kulan oo uu u saftay Chelsea xilli ciyaareedkii 2017-18.
Essien ayaa qirtay in kooxda reer Spain inay isku diyaarineyso Hazard, laakiin 35 jirkaan ayaa rajeynaya in kooxda heysata horyaalka Barclays Premier League ay awoodi doonto inay ku ceshato xiddiga heerka caalami heshiis cusub oo muddo dheer ah.
“Waxa uu aadi karaa Real Madrid si uu ugu guuleysto Ballon d’Or” ayuu Essien u sheegay Goal.com. “Markaan ka hadleyno Eden, waa ciyaaryahan wanaagsan, waa kubad fiican, waa uu xoogan yahay, wuu yaryahay, laakiin waa uu xoogan yahay, kalsoonow, waa adag tahay in kubada laga saaro.
“Waa ciyaaryahan aad uwanaagsan waana ku faraxsanahay inaan helno Chelsea, lakiin waan fahmi lahaa sababta Madrid ay u fiirin laheyd, waxaana uu cadeynayaa todobaadkii, Isbuuca, haatan waa ciyaaryahanka ugu muhimsan. Marka aad heysato Hazard, marwalba wuu qaban karaa.
“Waxa uu mar walba abuuri karaa wax uu kubada ku ciyaaro, wuxuu ujeedaa naftiisa ama dadka kale, wuxuu leeyahay taabashada cajiibka ah, waxaan u maleynayaa in Chelsea ay u baahan tahay inay cusbooneysiiso qandaraaskiisa, ma dooneyso inay ciyaartoydaada ugu fiican ka tagaan, islamarkaana aan u baahanahay isaga kooxda. ”