Masar mise Itoobiya ???? W/D: Cismaan C. Kulane

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Masar mise Itoobiya ????

Dawlada soomaaliya ayaa u codeysay dawlada Itoobiya, qaraar ay jaamacadda carabta ay soosaartay kaasoo lagu taageerayey dawlada masar loogana soo horjeeday Dawlad Itoobiya si ay u joojso dhismaha biyo xireenka ay kadhisayaan Wabiga Niil.

Hadaba bal aan dib unoqono #Masar iyo #Itoobiya yaa inoo fiicnaan soomaali ahaan?!!

Masar

Dawlada masar waa dawlad muslim ah ahna dawlad carbeed oo soomaaliya lawadaagto, islaamnimo, ganacsi iyo dhaqamada qaar ilaa iyo bilawgii islaamka iyo kasii horba. Masar waxay kamid ahayd dawladihii carbeed ee laganacsan jiray soomaalida kuwaas oo badeeco keeni jiray ayaguna xoolaha ku iibsan jiray, waxayna ahaayeen dadkii ubixiyey dhulka soomaaliyeed “dhulkii uduga” ama puntland.

Masar iyo xornimadii Soomaaliya.

Dawlada masar waxay kamid ahayd dawladihii xornimada haystay una dagaalamay xornimada dawlado badan oo muslim ah sida soomaaliya, waxay ahayd masar dawladii asaastay nidaamka midnimada jaamacada carabta 1945tii si ay ugu hiiliyaan dawladihii muslim ka ahaa ee gumeyste yaashu haysteen, sidoo kale u ilaaliyaan danaha dawladaha muslim ka dhan.

Masar ayaa aad u caawisay soomaaliya markii ay xornimada qaadanaysay. Tusaale 1950kii markii talyaaniga lagu wareejiyey soomaaliya, waxaa korjoogto ka ahaa oo qiimaynayey sida uu wax u wado 3dawlad oo kala matalayey, #Africa, #Assia iyo #Latin America, waxayna kala ahaayeen #Masar, #Philipine iyo #Columbiya sideey ukala horeeyaan.

Dawlada talyaaniga oo soomaaliya gumaysan jirtay, markaasna 10 sanoo cusub lasiiyey baa isku dayeysay in ay waqtiga kordhsisato, iyadoo kafaa iidaysanaysay aqoon darrida iyo hankajka umada soomaaliyeed haystay mudada dheer ee gumeystuhu wadanka haystay, hase yeeshee arinkaas waxaa laf dhuun gashay kunoqday #Ergaygii masar ee Aun. Shahiid #Maxamed_Kamaaludiin_Saalax, kaas oo talyaaniga hagar daamadiisa fahansanaa oo talaabaduu qaadaba 5talaabo oo kale qaadayey, tusaale Sheikh Mukhtaar oo ahaa gudoomiyihii baarlamaanka ee u horeeyey soomaaliya ayaa yiri ” maalin ayaa Maxamed kamaaludiin nasugu keena yeeray anagoo ah golihii shuurada iyo axsaabtii siyaasada soomaalida, wuxuu nayiri waxaa laydin sheegay in 10 sano kadib aad xornimo qaadanaysaan, dadka soomaaliyeedna arinkaas ma aaminsana oo gumeystaha ayaa niyada kajabiyey, si arinkaas umada soomaaliyeed looga dhaadhiciyo waa in aad samaystaan calan soomaali oo dhan ay leedahay, waa in laga agtaago midka talyaaniga markii ay arkaan soomaalida calankaas waxay aaminayaan in ay xornimadu dhab tahay oo waa udiyaar garoobi doonaan, arinkii ayaan kudhaqaaqnay deetana sidaas ayaa calanka soomaaliya kusamaysmay 12kii October 1954kii” hase yeeshee talyaaniga ayaa u adkaysan waayey talooyinkii iyo talaabooyinkii uu qaadayey Kamaaludiin Saalax, taas waxay dhalisay in talyaanigu maleego qorshe lagu dilayo Kamaalidiin, Aun. #Shahiid_Maxamed_Kamaaludiin_Saalax waxaa latoogtay 17kii bishii 4aad 1957kii 1:00 duhurnimo, waxaana dilay nin lagu magacaabo Wiiloow Sh. Cabdiraxman, Muqdishu ayaana lagu dilay, kiiskaas oo baaritaankiisu socday ayaa habeenkii xoriyada laqaadan rabay 1dii July 1960kii habeen kii kahoreeyey ayaa lagu dhexdilay xabsiga gacan kudhiiglihii, si aan kiiskaas loo ogaan in Talyaanigu iyo soomaali lashaqaynaysaba aan loo ogaanin.

Masar iyo waxbarashada Soomaaliya

Dawlada masar ayaa kamid ah isha meelaha soomaalidu wax baratay, diini iyo maadiba, jaamacada wayn ee Al-Azhari ayaa mudo dheer soomaalidu u aadaysay si ay diinta islaamka uga soo bartaan, dawlda masar oo u adkaysan waysay aqoon yarida soomaaliya ayaa asaastay iskuulo waawayn sida Iskuulkii Jamaal Cabdi Naasir, iskuulkii Allaahida iyo kuwo kale oo gacanta kuhayeen sida 15ka May.

Dagaalkii 77ka iyo Masar

Masar waxay aad u taageersanayd dawlada soomaaliya dagaalkaas oo dhexmaray soomaaliya iyo Itoobiyada hada looga hiiliyey, masar ayaa cudud ciidan, talo iyo wax kastaba lagarab joogtay soomaaliya, markii Dawladii Soomaaliyeed ay dalka ka eryeen dawladii Midawgii Soofiyeetina, ciidankii iyo dadkii soomaaliyeed ee dalkaas jiray waxaa loo wareejiyey dalka masar si halkaas loogu sii tababaro.

Masar oo aan wadaagno, diin, ganacsi, walaaltinimo iyo wax kasta ayaa waysay codkii soomaaliya, taas badalkeedna waxay siisay soomaaliya Codkeedii Itoobiya oo ah cadawga Soomaaliya iyo cadawga Masar, wabiga Niil hadii itoobiya dhisto ayaa la aaminsanyahay in shacabka masar ay way doonaan xaddi wayn oo biyaahas ah, taasoo qatar gali karta nolosha 100 milyan oo Masari ah, waxaana carabtu oran jirtay

” لو لا نيل لما كانت مصر”

Hadaan wabiga niil jiri lahayn maba jireen shacabka Masar, maadaama 83% iyo kasii badan wabigaas biyihiisa ay shacabka Masar adeegsadaan.

Warbixinta qaybteeda 2aad oo kusaabsan Itoobiya iyo Soomaliya sidee isku ahaan jireen, hada sidee isku yihiin maxaa isbadalay oo dawlada soomaaliya kuqasbay in ay Itoobiya masar uga codeeyaan, dib ayaan kasoo qori inshallah.

Mahadsanidiin

Taariikhdaan waxaad kaheli kartaan

Buuga taariikhda soomaalida ee uu qoray Aun. Jen. Maxamed Ibraahim Liiqliiqato, sidoo kale buuga taariikhda soomalida ee uu qoray Jen. Jama M Qaalib. Iyo buugaagta taariikhda soomalida intooda badan, sidoo kale wepsite yada waad kaheli kartaan.

W/D: Osman Abdi kulane

Aragtidaada ka dhiibo