Maamulka Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in la hakiyay dacwadaha la xiriira dhulalka la isku heysto oo maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda Koofur Galbeed C/wahaab C/llaahi Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaradda cadaaladda ay joojisay dacwadalaha dhinaca dhulalka, illaa laga gaarayo xal waara.
Is qabqabsiga dhinaca dhulalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay hareeyay magaalada Baydhabo, waxaana ka dhalatay gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dad ku dhow 10 ruux oo uu ku jiro Ganacsade caan ka ahaa Baydhabo ayaa lagu dilay Baydhabo iyo duleedkeeda is qabqabsi la xiriira dhinaca dhulalka oo u dhaxeeyay beelo wada dega.