Hoggaamiyaha IS ee dalalka Afghanistan iyo Pakistan Hafiz Saeed Khan oo ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay 26 July 2016 Gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistanay weerarkan oo ay fulisay diyaarad Drone ah.
Mareykanka ayaa jimcihii shalay sheegay in weerar cusub oo ay fulisay diyaarad Drone ah 26-kii bishii July ay aamisan yihiin in lagu dilay Hafiz Saeed Khan.
Weerarkan ayaa dhacay saddex maalmood kadib markii kooxda IS ay fulisay weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen, kaasoo lagu qaaday qowmiyada laga tirada badan yahay ee shiicada ah ee loo yaqaano Hazara.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Gordon Trowbridge ayaa sheegay in Saed Khan lagu dilay duqeyn, balse ma sheegin in loo isticmaalay diyaarad drone ah iyo in kale.
Kooxda IS ayaa ku xooggan bariga dalka Afghanistan, iyadoo gacanta ku haya gobolo ay horay ugu xooganaayeen Kooxda Taliban oo xurguf kala dhaxeeya.
Comments are closed.