Habka Doorasho ee Maraykanka…W/Qorey: Yacqub Ismail.

Arimaha Bulshada Uncategorized Wararka Maanta

fb_img_1478529740279-1

Horudhac.

Muddo hal sanno ku dhow, Dalka Maraykanka oo haatan Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba Gacanta ku haya in badan oo ka mid ah dunida waxa ka socday Loolanka Doorosho ee loogu baratamayo in lagula wareego Aqalka Cad ee Maraykanka. Xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga oo ah labada ugu waaweyn markay noqoto Xisbiyada Maraykanka, wallow ay jiraan xisbiyo yaryar oo aan awood badan lahayn ayaa loo galay tartan adag in lagu guulaysto Jagada Musharaxa Madaxweynaha. Xisbiga Aqalka cad haatan hogaamiya ee Dimuqraadiga ayaa ilaa saddex Musharax ay bilowgiiba ku loolameen, iyadoo Laba ka mid ah uu dhex maray tartan aad u adkaa oo Afkaar kala duwan xambaarsan. Dhanka kale, Xisbiga Jamhuuriga oo hogaamiya labada Aqal ee Baarlamaanka (Congress) ayaa isna ilaa dhawr iyo toban musharax ay soo bandhigeen damacooda siyaasiga ah ayaa ugu dambayntii uu la wareegay Maalqabeenka Donald Trump oo isaga laftiisu afkaar kale aaminsan, taasina ay ku keentay in hoos u dhac ku yimaado taageerada loo hayo ee Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa. Wixii ka dambeeyey bishii July ee sanadkan waxa uu tartanku u dhexeeyey Hillary Clinton iyo Donald Trump oo matalaya Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Inkastoo aan sanadkii u dambeeyey si toos ah u soo gudbinayey Dhacdooyinka Doorosho ee Maraykanka isla markaana aan 7 bilood ka hor isku dayey inaan sii saadaaliyo Musharaxa ku guulaysan doona hanashada Aqalka cad, waxaan maqaalkan kooban ugu talo galay inaan ku soo bandhigo Habka Doorosho ee Maraykanka oo ah Hab inta badan ka duwan habka ay wax u doortaan Dalalka Dimuqraadigu.

Dalka Maraykanka oo ah Dal ka Nidaam duwan markay noqoto Nidaamka Dooroshada Madaxweyne ayaa gebiga dadka codeeya tiradoodu ay dhan tahay 538 qof, Waa Dalka Maraykanka oo ay ku nool yihiin tiro dad ah oo ka badan 310 Million oo Qof. Hadaba suaashu waxay tahay Waa Maxay 538 qof ee codeeya? Maxay matalaan? Inta aynaan ka jawaabin suaashan waxaynu si toos ah u abaari doonaa Musharixiinta Xisbiyadu siday kula wareegaan Musharaxnimada Xisbiga.

Marka Siyaasiyiinta Damaca lihi ay shaaciyaan inay u diyaar yihiin inay u tartamaan Musharaxnimo Madaxweyne, waxa ay galaan Doorosho horudhac ah oo loo yaqaano Primary Election halkaas oo Xisbigu ku soo kala saaro Musharixiinta uga qayb galaysa Dooroshada. Nidaamka Doorosho ee Primary Election ayaa ku dhisan Nidaam Gobol, Waana Golaha Dhexe ee Xisbiga oo hab Gobol loo soo xulay. Labada Xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa ku kala duwan tirada codadka looga baahan yahay Musharax walba, Xisbiga Dimuqraadiga ayaa looga baahan yahay Musharaxa raba inuu ka dhex tartamo inuu helo 2383 xubnood oo loo yaqaano Delegates (Waa Xubnaha Golaha Dhexe ee), halka Xisbiga Jamhuuriga looga baahan yahay 1237 delegate.

Waa Maxay Electorate College?

Electorate college waa Magaca Golaha Ergooyinka Doorosho oo ka kooban 538 qof kuwaas oo u codaynaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku yeelanayo. Muwaadiniintu si toos ah uma Doortaan Madaxda cusub balse waxay doortaan Ergooyinka Doorosho ee u matalaya codaynta guud ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Xubnaha Ergooyinka Doorosho ee matalaya Gobol walba oo ka mid ah 50ka Gobol ee Maraykanku waxa ay u dhigmaan tirada Gobol walba u matasha Aqalka Baarlamaanka (Congress) ka Maraykanka. Tirada Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku waa 535 Xubnood oo ka kooban 435 oo ka tirsan Aqalka Hoose (House of Representatives) iyo 100 Aqalka sare ah (Senate). Ergooyinka Doorosho (Electorate College) waxa ay dheer yihiin 3 xubnood oo matalaya caasimada Washington DC.

Maxaa looga baahan yahay Musharaxa noqonaya Madaxweynaha cusub ee Maraykanka?

Musharaxa doonaya inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maraykanku waa Musharaxa ku guulaysta kala badh iyo cod dheeri (270 Cod).

Haddiiba Ergooyinka Doorosho kala saari kari waayaan labada Musharax maxaa xal ah?

Qodobka 12aad ee Dastuurka Maraykanka waxa uu sharaxayaa Habka loo doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka wuxuuna cadaynayaa haddii ba Ergooyinka Dooroshadu ay kala saari kari waayaan Musharixiinta Madaxweyne in loo wareejiyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka (House of Representatives) oo iyagu dooran doona Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa. Haddii Berito Clinton iyo Trump ku kala bixi waayaan Dooroshada Ergooyinka, waxa loo wareejinayaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 435 xubnood oo Aqlabiyada uu haysto Xisbiga Jamhuurigu (247 xubnood). Hadana waxa suurtogal ah in Hillary Clinton kaga awood badato Trump haddiiba la isla gaadho Aqalka Hoose ee Baarlamaanka maadaama Siyaasiyiin badan oo Jamhuuri ahi ay ka soo horjeedaan Siyaasada Trump.

Dooroshadii ugu xiisaha Badnayd Qarnigan ee ka dhacday Maraykanka ayaa ahayd Dooroshadii sanadkii 2000 ay ku tartameen Madaxweyne ku xigeenkii wakhtigaasi Al Gore oo Xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan iyo George W. Bush oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga. Al Gore wuxuu ku guulaystay Taageerada shacabka (Popular vote) halka Bush uu ku guulaystay taageerada Ergooyinka Dooroshada (Electorate College) taasina ay u sahashay inuu sideed sanadood hogaamiyo Maraykanka. Wallow la sheego in boob Doorosho (Electoral Fraud) uu dhacay hadana Maxkamada sare ee Maraykanku waxay xukuntay in Bush ku guulaystay Dooroshada Aqalka cad.


 

International Political Observer.

Yacqubismial@gmail.com.

Comments are closed.