Galmudug: Wasaaradda Gaadiidka oo Amar kusoo rogtay Garoomada Diyaaradaha

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka dowladda goboleedka Galmudug Cabdulle Xassan Nuur ayaa lagu faray maamulka garoomada diyaaradaha deegaanada Galmudug in aysan lacag ka qaadin Karin diyaaradaha gargaarka u sida bulshada Galmudug.

Wareegtadan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan la filayo in diyaarado gargaarka u sida dadka abaartu saameysay ay kasoo dagaan garoomada diyaaradaha deegaanada Galmudug. Inta badan garoomada ka jira deegaanada Galmudug ayaa u badan kuwo gaar loo leeyahay.

w gadiidka Galmudug001 001