Faah faahin:Qaraxii uu kudhintay Gen.goobaale

Wararka Maanta

Allaha u Naxariistee waxaa goor dhow dhintay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya kadib markii lala eegtay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo lala beegsaday Gaariga Gen. Goobaale oo marayay Agagaarka xerada Guul Wadayaasha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhinteen Qaar ka mid ah ilaalada Gen. Goobaale oo xilliga uu Qaraxa dhacayay la socday.

War Shabaab goor dhow ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii lala eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Comments are closed.