Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidankooda ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burte iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ay saarnaayeen gaari Caasi ah, isla markaana ay wadada u galeen sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay inay ka soo furteen 18 qori iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarka ay ciidamada dowladda ku dileen illaa labaatameeyo ruux.