Faah-faahino kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay ex-koontarool afgooye

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee Muqdisho, halkaasoo Ciidamada Amniga ku baaraan gaadiidka soo galaya magaalada.

Ciidamada Amniga ee ku sugan koontaroolka ayaa la sheegay inay joojiyeen gaari nuuca Nooha ah loo yaqaano, kaasoo doonayay inuu wadada xoog ku maro.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay rasaaseeyeen gaariga oo ay saarnaayeen dabley hubeysan, waxaana labada dhinac dhex martay is rasaaseyn.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen saddex dabley hubeysan oo rasaas ku furay Ciidamada, ka hor inta uusan qarxin gaariga ay saarnaayeen.

Waxaa la soo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, inkastoo aan la ogeyn tirada khasaaraha.

Qaraxa ayaa sababay waxyeelo kala duwan, gaar ahaan gawaari wadada marayay iyo mooto bajaaj