Home > Wararka Maanta > Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday Saakow iyo Bu’aale oo lagu burburiyay gaadiid Al-shabaab qaraxyo ku diyaariyeen

Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday Saakow iyo Bu’aale oo lagu burburiyay gaadiid Al-shabaab qaraxyo ku diyaariyeen

Wararka Maanta

 

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu qaaday xaafado ku yaal degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale duqeyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun lagu tababari jirey maleeshiyada Al-Shabaab.Illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqlay illaa 7 duqeyn loo adeegsaday gantaallo iyadoo la arkay holac iyo uuro ka baxayay goobaha la duqeeyay.

Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeeyay labadan magaalo balse diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska loo yaqaan ayay ciidamada Maraykanka u adeegsadaan duqeynta lala beegsado ururka Alshabaab.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!