Dowlada Qatar oo dhinacyada siyaasada soomaalida ugu baaqday ka fogaanshaha xasilooni daro siyaasadeed

Wararka Maanta

Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaaliya ee isku khilaafsan siyaasadda Soomaaliya inay meesha ka saaraan, kana wada shaqeeyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa geeddi socodka Siyaasadeed, loona xoojin lahaa dadaalada dib u heshiisiinta Qaranka, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.

La Taliyaha Waaxda Xuquuqda Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Turki Al Maxamuud ayaa sheegay in caqabado badan soo foodsaaray Soomaaliya, isla markaana tan ugu muhiimsan ay tahay dagaalka Argagixisada ee dowladda iyo dadkeeda, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in guulo badan oo muhiim ah ka gaarto dhinacyada amniga, siyaasadda, samafalka iyo heerarka xuquuqda aadanaha.

Waxaa uu ku baaqay in baahida loo qabo in la ilaaliyo guulahaas, lana shaqeeyo, si loo dhameystiro marxalada soo socota, isagoo tilmaamay in doorashada Soomaaliya ee Golaha Xuquuqul Insaanka loo arki karo fursad ay Soomaaliya ku biirin karto, ugana faa’ideysan karto dadaalada caalamiga ah ee lagu horumarinayo, laguna difaacayo xuquuqda aadanaha.

Dr Turki ayaa tilmaamay in dowladda Qatar ay marti gelin doono shirka Kooxda Xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo ah mid heer Wasiir ah oo 27-ka bisha October ka dhici doono magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay dhowrista madax bannaanida, Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo dib u xaqiijineysa go’aankeeda ah inay garab istaagto dadka Soomaaliyeed, ayna sii wado taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, si ay uga caawiso dhisidda dowlad xasilooni.

Qatar ayaa ah taageeraha ugu weyn ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo mallaayiin dollar ku bixiyay taageerada dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, sidoo kale waxaa jira mashaariic ku baxaya boqolaal milyan oo ay horay u saxiixeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado siyaasadeed iyo khilaaf kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadda oo ku dhaliilay in dowladdu ku socoto hannaan qaldan oo baalmarsan dastuurka.