Waxaa dib u dhac ku yimid munaasabadda xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) oo lagu waday inay maanta ka qabsoonto xarunta Aqalka dowladda Hoose.
Qaban qaabada xaflada xil wareejinta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay socotay, lana qorsheeyay in caawa dhacdo xaflada ayaa lagu wargeliyay Guddigii qaban qaabada in xaflada dib loo dhigay illaa amar dambe.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray goobta ay ka dhaceyso xaflada ee la diyaariyay, hase ahaatee waxaa mar dambe la shaaciyay in xaflada dib loo dhigay.
Wararka qaar ayaa sheegay arrimo farsamo oo ay ka mid tahay amniga xarunta dib loogu dhigay xaflada, iyadoo la qorsheynayo in ka hor inta aanay xaflada dhicin in is bedel lagu sameeyo ciidamada amniga ee suga amniga xarunta.
Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Ciidamo gaar ah la wareegaan, iyadoo laga bedelayo Ciidamadii horay u joogay ee Booliska ahaa.