Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday Qeyb ka mid ah Isgoysyada Muqdisho

Wararka Maanta

Ciidamada Xasilinta ee ku sugnaa inta badan isgoysyada Wadada Wadnaha iyo waddooyinka kale ayaa laga qaaday, waxaana si caadi ah oo sahlan u socda isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ay maalmihii la soo dhaafay meelaha qaar oo ay ciidamada joogeen aad u adkeyd.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino, Florence H/wadaag, Bakaaraha illaa Tarbuunka laga qaaday, ma jirto ciidamo jooga isgoysyada Wadada Wadnaha, sida ay dad goobjoogayaal soo sheegayaan.

Inkastoo ay muuqato inay dhaqan gashay qeyb ahaan go’aankii Guddiga Amniga Qaranka ee ahaa in la furo waddooyinka xiran, hadana waxaa xiran waddooyinka jid cadayaasha ee gala Maka Al-Mukarama.

Wadada maka Al-mukarama ayaa waxaa weli ku sugan isgoysyada qaar ciidamadii Booliska ee horay u joogay, iyana xaaladeeda saaka waa caadi.

Shacabka Muqdisho ayaa cabashada ugu badan ka keeni jiray waddooyinka qaar oo la ogol yahay kaliya bixid, balse aadan dib u soo laaban karin, taasoo dadka gaadiidka wata ay dhib badan kala kulmi jiraan soo laabashadooda.