Ciidamada Booliska Oo saaka Suuqa Bakaaraha Ku Toogtay Kooxo Burcad Ah

Wararka Maanta

Kooxo Burcad Ah Oo Dhac Ka Geysan Jiray Qaybo Mid Ah Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho Iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya Ayaa Saaka Aroortii Hore Waxa Uu Iska Hor Imaad Ku Dhex-maray Gudaha Suuqa.

Iska Hor Imadka Ayaa Yimid Ka Markii Ciidanka Booliska Ay Hawl-gal Ka Wadeen Bakaaraha Iska Caabin kala Kulmeen ragga Burcadka Ah.

Israsaaseynta Ayaa Waxa Ay Ka Dhacday Wadada Labaad Ee Suuqa bakaaraha Waxayna Ciidamadu Gacanta Ku Dhigeen Labo Nin Oo Ka Mid Ah Raggii Burcadka Ahaa.

Raggaan Ciidanku Qabteen ayaa Lagu Soo Warramayaa In Mid Ka Mid Ah Laga Dhaawacay Lugta Bidix Ka Dib rasaas Ay Ciidanka Boolisku Ku Rideen.

Wararka Qaar Waxa Ay Sheegayaan In Tirada Ragga Burcadka Ah Ay Tiradoodu Gaarayeen Illaa Iyo 5-ruux Sidaa daraadeedna Ay Saddex Ka Mid Ah Burcadda Baxsadeen.

Ciidamada Ammanka Gaar Ahaana Kuwa Booliska Oo Hawl-galka Waday Ayaa Weli Ku Daba Jira Raggaas Burcadka Ah Ee Iyagu Baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Degmada Wart-nabadda Oo Meesha Soo Gaaray Waxa Uu Ciidamada Ku ammaanay Shaqada Ay Qabteen Maadaama Ay Gacanta Ku Dhigeen dadkii Dhibaateyn Jiray Shacabka Soomaaliyeed Isla-markaana Dhac U Geysan Jiray.

Ciidamada Booliska Soomaaliya Ayaa Maalmihii Dambe Sara U Qaaday Hawl-gallada Ay Ku beegsanayaan Kooxaha Burcadka Ah Ee Dhaca Ka Geysta Qaar ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho