Kadib markii lagu dhawaaqay in Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku guuleystay Madaxweynaha dowlada federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa dabaaldagyo ka bilowdeen xaafadaha Magaalada Cadaado, caasimadda kumeelgaarka ah Galmudug.
Ciidamada Ammaanka ayaa rasaas dabaal dag ah ridayey, waxaana dadweynuhu isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada, Cadaado ayaa Caawa soo dhaweysay guusha Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Jawiga ayaa hadda dagan waxaana la filayaa in beri banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ay ka dhacaan Magaalada Cadaado.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka guuleystay Xassan Sheekh Maxamuud oo ka tanaasulay in loo gudbo wareegga saddexaad, waxaana muuqata in Soomaaliya ay gashay siyaasad cusub.