Barlamaanka Galmudug oo kordhiyey waqtiga magacaabista Golaha Wasiirada (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo kulan aan caadi aheyn ku sheegay magaalada Cadaado xarunta Galmudug ayaa waxaa hor yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxweynaha ayaa Barlamaanka ka codsaday in 75 cisho loogu kordhiyo magacaabista golaha wasiirada, oo horey ugu ekeyd 3 Juun.

Barlamaanka ayaa gacantaag ku ansixiyey codsigii madaxweynaha, waxaana uu haystaa ilaa 18 Agoosto 2017. Galmudug ayaa muddo 5 bilood ah ku jirtay jiitan siyaasadeed.
FB_IMG_1496007849421FB_IMG_1496007857356 FB_IMG_1496007854062