Home > Wararka Maanta > Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay gudiga doorashada puntland

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay gudiga doorashada puntland

Wararka Maanta

 

Kulanka maanta waxaa shir Gudoominayay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyadoo ay soo xaaadireen inta badan Xildhibaanada Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaasoo ay horyaalaan shaqooyin culus, iyadoo xubnaha Guddiga ay marka hore warbxin ka siiyeen Xildhibaanada shaqada u qabsoontay tan iyo markii la soo dhisay.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka Puntland waxaa horyaalla shaqooyin ay kamid yihiin;  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!