Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, Shirkaan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya, waxaana  daahfuray Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed. Dhalinyaro ka socota gobolada Dalka iyo Caasimadda Muqdisho ayaa ka qeybgalaya, halku dhigga sanadkan ee […]

Continue Reading

MD Waare oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka socota Maxaas

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo Nabadgalyo darada, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo […]

Continue Reading

Isku Shaandheyn lagu sameeyey Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo. Waxaa Guddiga lagu soo daray xubno cusub oo ku jiray Guddiyo kale, iyadoo laga saaray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maaliyadda Xildhibaan […]

Continue Reading

Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe Cadakibir oo la xarig jaray (Sawirro)

Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Cadakibir ayaa maanta xarigga laga jaray, Dugsigan oo ka kooban 5 fasal , xafiisyo iyo darbi wareeg ah. Dugsigan ayaa waxaa dhisay jaaliyadaha dibadda iyo ganacsato ee ka soo jeeda deegaankan, waxaana ku baxay qarash gaaraya 35,000 dollarka Maraykanka. Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicey ayaa xarigga […]

Continue Reading

Wafdi ka socda UN-ka oo gaaray Baydhabo

Saraakiil ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha  Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (laftagareen), kulan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah ee maamulkaasi. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa  ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa,iyo masuuliyiin kale oo  ka tirsan Maamulkaas. Vikram Parekh oo hore u ahaa Madaxii […]

Continue Reading

Xuseen Dhagaweyne oo Shaqo joojin ku sameeyey Gudoomiyaha Deg. Yaaqshiid

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Geedow ayaa lagu sameeyey  shaqo joojin, waxaana shaqa joojintaan amray Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur Dhagaweyne, waxaana shaqa joojintan  la xiriirnayaa musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Wareegtada shaqa joojinta  ayaa lagu xusay in shaqada guddoomiyaha degmada Yaqshiid uu sii […]

Continue Reading

Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun… W/Q: Yahye Amir

Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun. Dagaaladii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Hawiyaha dhax maray. Cumar Samatar ma waxa uu ahaa Gumeysi la dirir mise Gumeysi kalkaal? Cumar Samatar Rooble waxa uu ku dhashay magaaladda Caluula,waxaa uu ahaa taliyaha ciidankii Ali Yusuf. Boqorkii Majeerteen ee ka talinayay deegaanka Hobyo ayaa kula heshiiyay Talyaaniga in uu dagaal la’aan ku […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: ▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. ▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). ▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris […]

Continue Reading

Nin ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa saakay waaberigii waxa ay Xaafada Haanta-dheer ee degmada Deyniile e Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka tirsanaa Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya. Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, waxaana dilkiisa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan,isaga oo uga tacsiyadeeyay qaraabadii iyo eheladii […]

Continue Reading

Saameynta ka bixitaanka Ciidanka Maraykanka ee Dalka Suuriya

Maanta, guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, waxaa aad loo hadal hayaa go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ciidanka Maraykanka uga saarayo Suuriya horraanta 2019. Waa tallaabadii ugu muhiimsaneed ee colaadda Suuriya ka sokoow faragelinta Ruushka ee 2015. Waxay bedelaysaa jihada colaadda. Dalal iyo kooxo aan dawli aheyn, oo badan mid walbana uu doonayo natiijo masaalixdiisa kaabeysa […]

Continue Reading