Akhriso: Magacyada Musharixiinta Maanta Khudbadaha Jeedinaya

Wararka Maanta

Maanta oo khamiis ah 2 Febaraayo 2017 Labada Gole ee Barlamaanka waxaa  khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax Madaxweyne.

Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona oo ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa kala ah:

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed.

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga kala qeybiyay Saddex kooxood, waxaana laga dhigay Mid Sideed .

Musharixiinta ayaa mid walba isku dayi doonaa sidii uu u kasban lahaa xildhibaanada, waxaana bulshada inta fursad u heli karta kala socon karaan warbaahinta oo soo tabin doonta khudbadaha musharixiinta.