Afhayeenka gudiga hirgalinta doorashooyinka heer dawlad goboleedka Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku loomamaya kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka.
Afhayeenka oo magaalada Cadaado kula hadlay qeybaha saxaafadda ayaa sheegay in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka,isagoo intaa raaciyay in ay bilaabayaan sameynta kaararka aqoonsiga ee ergada.
Kuraasta hadda diyaarka ah
Beesha Ceyr waxaa diyaar ah 2 kursi oo kala ah :
- 1 kursi waqooyi
- 1 Kursi koofur
Beesha Murusade waxaa diyaar ah 5 kursi oo kala ah:
- Habar Ceyno 2 kursi
- Daguura 1 Kursi
- Hilabi 1 kursi
- Cabdalle 1 kursi
Beesha Duduble waxaa diyaar ah 3 kursi oo kala ah:
- Aarsade 1 kursi
- Maxamed Camal 1 kursi
- Awradeen 1 kursi
Beesha Sacad waxaa diyaar ah dhammaan 3 kursi oo ay laheyd
Beesha Waceysle waxaa diyaar ah dhammaan 3 kursi oo ay laheyd
Beesha Mareexaan waxaa diyaar ah 1 kursi oo ah:
- Wagardhac 1 kursi
Beesha Madhibaan waxaa diyaar ah 1 kursi.
Beesha Saleebaan waxaa diyaar ah 1 kursi oo ay laheyd
- Obokor 1 kursi
Comments are closed.