4 Xisbi oo war murtiyeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Wararka Maanta

Afar xisbi siyaasadeed oo mucaaradka ah ayaa war murtiyeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, kaddib kulan labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday, iyadoo qodobada laga soo saaray looga hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay iyo tallaabooyinkii ay qaaday dowladda Federaalka.

Xisbiyada Wadajir, Daljir, Horusocod iyo Kulan ayaa war murtiyeedka ay soo saareen ka koobnaa illaa 22 qodob, waxaana lagu soo beegay ka hor shirka Brussels ee maanta furmaya, iyadoo nuqul ka mid ah loo diray Brussels.

War murtiyeedka ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ku qaaday xarumaha dowladda iyo goobaha shacabka, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana ay tilmaameen in weerarkaas ay daciiftinimo muujiyeen.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka looga hadlay xirnaanshaha waddooyinka iyo in dowladda Federaalka ay xirtay waddooyin badan, isla markaana la xadiday dhaq dhaqaaqa dadka, waxaana xirnaanshaha waddooyinka saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo ganacsiga oo hoos u dhac laga dareemay.

Xisbiyadan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in xakameynta xoriyadda hadalka iyo in dowladda Federaalka ay xadiday dhaq dhaqaaqa siyaasiyiinta, isla markaana loo diiday mucaaradka shirarka iyo kulamada, taasoo ay ku tilmaameen inay xadgudub ku tahay qodobada dastuurka.

Sidoo kale waxaa ay walaac ka muujiyeen khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo soo xoogasanaya, tallaabadii dowladda Federaalka ay ku magacawday Taliyaha qeybta 43aad iyo in aan magacaabidaas lagala tashan Maamulka Jubbland, taasoo ay tilmaameen inay xadgudub ku tahay qodobka 20aad ee qorshaha amniga Qaranka.

Afarta Xisbi Siyaasadeed ayaa walaac ka muujiyay khilaafka Khaliijka iyo saameynta amni iyo xasiloonida siyaasadeed uu ku yeeshay Soomaaliya, waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka ay mallaayiin doolar heleyso, inkastoo aanay sheegin halka dowladda ka heleyso lacagta, hadana waxay tilmaameen in lacagahaas ay wiiqeyso xasiloonida iyo kala dambeyntii sharciga iyo dimoqraadiyada hey’adaha dowladda.

Waxaa kaloo ay cambaareeyay tallaabadii dowladda Federaalka ku joojisay shirkii qorsheysnaa ee 28-kii bishii Janaayo ee sanadkan ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadli lahaa aayaha Gobolka Banaadir iyo dhismaha maamul dadka deegaanka soo doortaan.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka afarta Xisbi.