3 Nin oo Walaalo ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xalay fiidkii waxa uu waaxda Jamhuuriya ee xaafada Al-cadaalada ee degmada kaaraan ku dilay 3 nin oo walaalo ah. Askariga dilka geystay ayaa qaraabo la ahaa ragga uu dilay, iyada oo sababta dilalkan ka dambeysay lagu sheegay in ay la xiriirto is qabqabsi dhuleed.

Dadka degaanka ayaa sheegay in mar qura guriga uu falka ka dhacay ay ka maqleen rasaas fara badan, markii ay guriga tageena arkeen meydadka Saddexda nin. Gacan ku dhiiglihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, balse waxaa ku daba jira Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, si gacanta loogu soo dhigo oo sharciga loo horgeeyo.

Hay’adaha ammaanka oo tagay goobta uu falka ka dhacay ayaa waxa ay soo qaadeen meydadka Saddexda nin, iyada oo la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da.

Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, maamulka degmada oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrimahan ayaa ka jawaabi waayay wicitaankeena.