2 Askari oo galabta lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in abaarihii 5-tii galabnimo ee maanta ay dabley hubeysani toogasho ku dileen 2 Askeri oo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland, Ciidamada ayaa xiligaas ku guda jiray sugida amniga wadada halbowlaha u ah ganacsiga iyo isu socodka magaalada uguna mashquulka badan.

Dableydii falkan geysatay ayaa baxsaday, mana jirto ilaa iminka wax war ah oo ay mas’uuliyiinta Puntland ka soo saareen dhacdadaas, Bishii tagtay ayaa magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay dhowr dil oo loo gaystay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

20-kii December, Nin Baastoolad ku hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aaden Gaas Huruuse.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland ayaa 16-kii December u geeriyooday dhaawac halis ah oo kooxo hubeysan ay magaalada ugu geysteen maalin ka hor.

Tagged