Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), isagoo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolkaas Cabdullaahi Axmed Iimaan.
Waare ayaa 3 Gudoomiye u magacaabay Gobolka Hiiraan Muddo sanad ah, Gudoomiyaha Xilka laga qaaday Cabdullaahi Iimaan ayaa xilkan hayay muddo 6 bilood ah, halkaan ka aqriso wareegtada.