Yaasiinka!….. W/Qorey: Yuusuf Garaad

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Cabdi Muxumed Amiin AUN wuxuu ahaa mu’allif iyo mufakir aragti dheer oo badiyaa xagga siyaasadda iyo bulshada wax ka yiraahda. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed. Halkan waxaan ku soo gudbinayaa Heestiisa Yaasiinka Yaasiinka oo ah erayo uu isagu curiyay taas oo ah tusaale dhaxal-gal ah:

 

Anigoo yamaarug yulbinaaya

Anigoo yartedya yaaq la jiifa

Anigoo yamxeerin waxaan yuwaado

Anigoo yureyda waran la yuuban

Minii la yaabo yaasiinka

Jacayl aan yoomaa i yaabiseeyee

Habeen yahoomay Dharaar yabaashay

Wixii an yuuday haddaan yaboohshay

Oo aan ku yeeray duco ha yeedho

Minii la yaabo Yaasiinka

Waxaan ka yaabno yaxaas ha qaado

Dabeyl yulmeysa yuf ha siiso

Yamays ha geyso meel yaahuuyeede

Minii la yaabo Yaasiinka

Yameey yam yeedhaa ma yeella

Yacay yac nabad yaraatay

Haddaan ku yoonnay in aan yagleello

Minii la yaabo Yaasiinka

W/Qorey: Yuusuf Garaad

Tagged

Comments are closed.