XUKUUMAD QIRO WAYN OO QIIRO MARAN AHAYN KHEYRRE SOO DHIS!-W/Q: Osman H Hussein.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta
XUKUUMAD QIRO WAYN OO QIIRO MARAN AHAYN KHEYRRE SOO DHIS!-W/Q: Osman H Hussein.
ka gadaal Muddo labo asbuuc oo loo hanbalyo iyo dabaaldagyo ku aaddan doorashadii madaxwaynenimo ee dalka ka dhacday 8-da febraayo, maalin kadib caleema saarkiisii waxaa uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ra’iisal wasaare u soo magacaabay mudane Xasan Cali Kheyrre.
Inkasta oo Kheyrre ku cusub saaxada siyaasadda, nin horay lawgu yaqaanna uusan ahayn, hadana bulshada inteeda badan aad bay u soo dhoweeyeen magacaabistiisa. waxay u muujiyeen kalsooni iyo wada shaqayn iyagoo ka filaya in uu isbadal wanaagsan la imaan doono.
Ugu dambayn god iyo ninkiis lama qariyee maalin Arbaco ah,1-da maarso waxay barlamaanka jamhuuridda federaalka soomaaliya cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xasan Cali Kheyrre ra’iisal wasaaarenimadiisa.
Gunta aan u daadago hoosna u galo gocashada dareenka shacbiga aan rabo inaan ka hadlo aniga oo abuuraya waydiimo dhowr ah kadibna falaanqeey doona.
MUXUU UGA DUWANYAHAY KUWII (RW) HORE?
Mudane Xasan Cali Kheyrre wa nin dhalin yaro ah wuxuu ka mid yahay ra’iisul wasaareyaashii dalka soo maray kuwoodii ugu da’da yaraa haddii uusan ba ugu yarayn dhanka da’da.
waa qurbo joog ku noolaa dalka Norway waqti dheer, inta laga ogyahay dadka aqoonta gaarka ah u lehna ku tilmaameen waa nin firfircoon, cod kar ah, kartina leh wuxuu soo maamulay ururo iyo shirkado aan dowli ahayn sida NRC iyo shirkadda shidaalka baarta ee SOM oil and gas.
Markii baarlamaanku ansixintiisa codka u qaadayay ma jirinXildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaa xusid mudan inuu yiri waxaan ka tusaale qaadan doonaa Cabdirisaaq xaaji xuseen, xukuumadaydana waxaa hal ku dhag u noqon doono hufnaan Iyo karti.
MAXAA LOOGA FADHIYAA RW KHEYRRE?
Bulsho kasta oo caalamka ku dhaqan marka qalalaaso iyo is qoonsi u daba dheeraaday ka soo kabanayso waxay noqotaa mid u bisil hogaamin iyo maamumul waxayna ku waayo aragnimo iyo cashar lama ilaawaan ah ka barataa dayaca iyo dowlad xumada/la’aanta, si lamida waxaad moodaa in dadka soomaaliyeed maanta u habuun qabaan maamul karti iyo hawlkarnimo u dhantahay.
Waxaa marag ma doonto ah in shacabku maanta rabo dowlad u dhimrida,ku tuman ee u turta, ciilinu ee u caddalad fasha, ceyrin ee caawisa, ma quunin ee u maciinta, dilin ee dawaysa, dulmin
ee daryeesha, gubin ee u gargaarta, gohaadin ee u garaabta.
Hadaba si aan xamaasad lawgu ekaan ee xasilooni siyaasadeed loo helo, si qiiro maran lawgu jirin ee wax qabad dhab loo gaaro, si aan loo waalan ee waaqiciga lawgu shaqeeyo waxaa RW KHeyrre ku waajib ah in uu soo dhiso xukuumad tao leh iyo gole wasiiro oo gudan kara shaqadooda laguna soo xulo daacadnimo iyo karti.
mudane RW dhalinyarada soomaaliyeed waxay eegayaan oo isha ku hayn doonaan tilaabooyinka ugu horeeya ee aad qaadi doonto. xal u helida amniga, shaqo abuuris, taageerida caafimaadka iyo waxbarashada, xoojinta iyo qalabaynta ciidanka xoogga dalka waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagaaga fadhiyo.
GUNAANAD.
Xilku adduunyada waa wax culees, canaan, cay, cadaadis iyo caafimaad darro intaba leh aakhirana ciqaab iyo cadaab haddii aadan u gudan si caddaalad, anigoo taas dareensan ayaan ra’iisul wasaarahayga mar ugu hanbalyaynayaa in hormuudkii umadda loo doorto marna ugu duceynayaa in Rabbi la garab galo mas’uuliyada oo culus ku asturo.
Osman H Hussein