Mid kamida ah magafayaasha afduubta dhaliyarada Tahriibta Ee Soomaalida ah ayaa ka shifay xog ku saabsan Tahriibayaasha iyo Muqalasiinta ama dalaaliinta kaxaysa dhaliyarada Waxa uuna yiri”
Dadka Labo ayay isugu jiraan Ee Soo Tahriibaya.
1:Waa Dad Lacag haysta oo Qarashkooda isku qaba oo jeebkooda isticmaala Soomaaliya ilaa Talyaaniga .
2: Waa Dad u badan Dhalanyaro 16-19 oo wiilal Iyo Gabdho leh oo aan Anaga liibiyaanka ah Lacagta kasoo bixino ilaa ay ka yimadaan Liibiya kadib ayaan Dhahnaa Cidii wacda Waxana kusoo Dalacnaa Lacagtii nagaga baxday kadib Midii Bada ayaan ka qadnaa Waa kuwaas Kuwa Dhiban Ee Reero Danyar ah kasoo tagay .
Waxana arintaa soo fududeeya Wakiilo jooga Soomaaliya Waxayna Wakiiladeena Dadka u Shegaan in Lacag laga rabin oo free lagu gaynayo Liibiya.
Wakiilada Waxa ay jogaan Muqdisho ,Hargaysa,Bosaso,Addis Abbas,Nairobi,Kambala Iyo Khurtuun Waa silsilad.
Arintaan ayaa ku soo aadaysa xili dhalinyaro aad u faro badan ku dhibaataysan yihiin Xabsiyada Magafayaasha ee Liibiya Waxayna Walaaca kusii kordhinaysaa walidiin Soomaaliyeed oo caruurtodu ku silicsanyihiin Xabsiyada Libiiya halka qaarkala horay badaha ugu dhamaadeen
WQ/ wariye Cali yare C/wahaab Adam