NISA Oo u goodisay dadka hortaagan Xasilinta Muqdisho

Wararka Maanta

 

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA C/llaahi Maxamed Cali “ Sanbaloolshe “ ayaa sheegay in aan cidna loogu dulqaadan doonin Carqaladeynta Howlgalada amaanka lagu Xaqiijinayo ee Muqdisho ka socda.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiri doonin Shaqsiyaad ku gambada Madaxda Dowladda , waxa uu xusay in cid walbo si siman loogu qaadi doono talaabo hadii ay ka hor yimaadaan howlgalada socda.

 

Taliyaha ayaa tilmaamay in aysan raali ka noqon doonin in la Carqaladeeyo Ciidamada Howlgalada ka wada Muqdisho.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Howlgalada ay si Xoog leh ku socon doonaan isla markaana aysan jiri doonin in dulqaad loo muujiyo cid walbo oo howglada ka hor timaada.

 

Sanbaloolshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka ee wada Howlagalada Xasilinta Caasimada.