Xisbi uu hogaaminayo Sh. Shariif oo la diiwaangaliyey

Wararka Maanta

Xisbiga Himilo Qaran oo maanta si kumeelgaar ah loo diiwaangaliyey, Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shahaadada diiwaangalinta kumeelgaarka ah gudoonsiiyey masuuliyiin matalayey Koofur Galbeed.

Xisbigan ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed. Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah ayaa ku jira xisbigan, oo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo.

Sidoo kale xisbi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa dhawaan lagu dhawaaqo.

Janaayo 2019 ayaa la qorsheeyeynayaa in dhammaan xildhibaanada Barlamaanka ku kala biiraan xisbiyada sida kumeelgaarka u diiwaangashan.