RW Kheyre oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud

Wararka Maanta

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow.

“ Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”.

Wasiirka Hoosow ayaa buuxiyey booskii uu shalay iska casilay Cabdifitaax Geesey, siyaasiyiinta kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa dhaliilsan siyaasadda xukuumadda Federaalka ee faragelinta doorashada Koofur Galbeed.