Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii Saaka ka dhacay Dekeda Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax xooggan oo gaari loo adeegsaday ayaa saaka ka dhacay wadada hormarta dekada Caalamiga ah ee Muqdisho, qaraxaan oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oolaga buuxiyey waxyaalaha qarxa ayaa qarxay abaara 7-dii subaxnimo.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalay goobo laga cunteeyo, waxaana inta la xaqiiyey ku dhintay dad 20 kor u dhaafay iyo dhaawac intaas ka badan.

Alshabaab ayaa goordhow sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaa qaraxii labaad ee ka dhaca degmada Xamar jabab mid bil gudaheed ah.

fb_img_1481444933670 fb_img_1481444927532 fb_img_1481444923901 fb_img_1481444917368 fb_img_1481442308144 fb_img_1481439010844