Xildhibaan Odawaa oo Xarigjaray Ceel biyoodka Deegaanka Xinjilab (Daawo)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirkii hore arimaha gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa xarigjaray Ceel biyood uu ka hirgaliyey deegaanka Xinjilab ee degmada Cadaado. Dhanka kale munaasabadda xarigjarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug, Gudoomiyaha Degmada Cadaado.

Xildhibaan ka dhabeeyey Balanqaad uu u sameeyey dadka deegaanka bartamihii 2015, ceelka ayaan waxaa ka faa’iideysan doona tuulooyin badan oo ku hareeraysan deegaanka Xinjilab, sidoo kale waxa uu kusoo aaday xili uusan roobkii dayrta ka di’in deegaanada galbeedka Cadaado.

Waa ceelkii 3aad ee xildhibaanku ka hirgaliyey deegaanada laga soo doortay, sidoo kale wuxuu deegaanka ka fuliyey mashariic kale, wuxuuna balanqaaday in ceelal iyo mashaariic kale ka fulin deegaanka mustaqbalka dhow haddii alle idmo.