Xil. Saabir Shuuriye oo ka hadlay Xarigga Wariye Nuur Ismaaciil

Wararka Maanta

Wariye Nuur Ismaaciil oo 20kii bishan ay xireen Ciidamo ka tirsan dowladda oo xabsi dhigay ayaan la ogeyn halka uu ku xiran yahay, Arintaan ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

Xildhibaanka ayaa yiri :”Anigoo ah mudane ka tirsan Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka ee BFS waxaan welwel iyo walaac ka muujinayaa xadgudubka iyo caburinta xoriyatul qowlka xukuumaddu ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyaasha afkaartooda ku qora baraha bulshada sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qoddobkiisa 18 aad faqradiisa (1), (2), (3) oo u qoran sidan.

• Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho so bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar.

• Xoriyatul qowlku waxaa ka mid ah, xorriyada hadalka saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektarooniga ah.

Mar hadii sharciga dalka sidaas qorayo waxaan cod dheer ku leeyahay in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa wariye Nuur Ismacil Sheekh kaas oo loo xiray fikirkiisa uu ku qoray baraha bulshada ilaa hadana aan la keenin maxkamad.

Xukuumaddana waxaa laga doonayaa in ay sharciga u hogaansato isla markaasna ilaaliso xuquuqda aadanaha kana fogaato ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka“.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Macalimuu oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay in wariyayaasha Soomaaliyeed ay halis weyn ku jiraan, waxaana uu xusay in  Dowladda iyo Al-Shabaab ay hanjabaado joogto ah ku hayaan suxufiyiin badan oo dalka ka howlgasha.

Shirka jaraa’id ee Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ku qabtay Muqdisho, waxaa ka soo muuqday Hooyo Madiina Xaaji Cali oo wiilkeeda Nuur Ismaaciil Sheekh oo wariye ah uu xiran yahay.

Hooyo Madiina waxay sheegtay in wiilkeeda oo hadda xiran 8 maalmood aan la garaneyn sabab loo heysto. mana jirto eedeyn qoran oo loo jeediyay iyo maxkamad oggollaatay xarigga intaa la’ eg.

Xoghayaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya aysan baaritaan ku sameyn dilkii dagmada Xamar Jajab loogu geestay wariye ka shaqeynayay Telefishinka SBC xaruntiisa Muqdisho oo ciidan boolis ah ka dambeeyeen, waxaana sidoo kale jirtay in Wariye wax ku qora warbaahinta Caalamiga oo lagu magacaabo Cabdalla Muumin in isna hanjabaad looga soo diray xafiiska Ra’isul wasaaraha, ilaa hadana majiraan wax baaritaan ah oo lagu sameeyay.