Xaaf iyo Farmaajo oo ku kulmay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade  kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Qeybta nasiinada ee Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in uu Xamar u yimid in uu Dowlada kala shaqeeyo in la sameeyo dib u hishiisiin iyo in la gaaro isfahan mira dhala.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in dalkan uu u baahanyahay dib u hishiisiin si xaalada Amni ee dalku u dago waxa uuna ugu baaqay Madaxda Dowlada ugu sareysa in la qabto dib u hishiisiin isaguna uu kala shaqeyn doono

Intaas kadib ayuu Madaxweynuhu waxa uu u gudbay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas uu kulan kula kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oona kawada hadlay sidii looga mira dhalin lahaa wada hadaladii iyo hishiiskii ay 28 bishan ku dhaxmaray Magaalada Cadaado D.G Galmudug iyo Dowlada Federaalka ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in arinta ugu muhiimsan ee Xaaf u tagay Muqdisho ay tahay in uu gacanta ku dhigo dhaqaalihii muddo ka xayirnaa Galmudug, waana qodob ka mid ah afartii qodob ee ku jirtay heshiiskii uu Kheyre kula galay Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada dhuusamareeb caasimadda Galmudug looga dhawaaqo heshiiska Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna. Galmudug ayaa maraysa marxalad xasaasi ah, iyadoo shacabku si taxadar leh u eegayaan isbadalada socda.